Warbixin:Waa Maxay Ujeeda ka danbeysa hadalka Mahiiga oo ah in ay Somali-land Mudantahay in ay go’do?
December 5, 2011 // reporter1 // NewsErgayga gaar ka ah ee QM uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Ninka la yiraahdo Agostine Phlip Mhiga ayaa waxaa uu Sheegay in Maamulka Soomaali-land uu mudanyahay in uu gooni u istaago,islamarkaana la aqoonsado si ay u noqoto Soomaali-land dowlad madaxbanaan.
Hadalkan ayaa Mahiiga waxaa uu ka sheegay kulan ammaanka looga hadlayay kaasoo ka dhacay Magaalada Hargeysa ee Maamul gobaleydka Soomaal-land,hasayeeshee dad badan oo aqoonyahana ayaa aaminsan in hadalkan uu yahay mid uu Agostine Mhiga ka leeyahay dano gaar ah.
Intabadan Markii uu Mahiga hadlaayo waxaa hadalkiisa ka muuqanaya kala dhantaal uu ku sameynaayo dad ka Soomaaliyeed ee walaalaha ,waxaa uu Marwalba kulamo kala gooni gooni ah la qaataa Madaxda Maamul gobaleydyada ka jira dalka Soomaaliya.
Ujeeda Saxda ah waxaa ay tahay in Mahiiga uu ka shaqeeyo qorsha ah Sidii loo kala dhantaali lahaa Awoodii Ballaarneyd ee ay lahaayeen dalka ,iyadoona kala go’ hadda ka jira dalka ay si gaar ah ugu danbeeyaan wadamo reer galbeed ah ,kuwaasoo doonaya kheyraadka dalka sida Bariga iyo badda ,waxaana loo soo adegsaday Mahiga.
Waxaan ognahay in Xeebaha Soomaaliya ay ku suganyihiin Maraakiib dagaal ,oo ay leeyihiin wadamada Yurub iyo Mareykanka ,kuwaasoo Mar marsiyo ka dhiganaya in ay ladagaalamayaan kooxo ay ku tilmaameen in ay yihiin Shufto badeed.
Dhanka kalana waxaa Barriga Soomaaliya ku sugan Ciimo shisheeye oo ka socda dalalaka Uganda,Burundia,Ithopia iyo Kenya kuwaasoo dagaallo kawado Soomaaliya waxaana ay ku Mar Marsiyonayaan iyagana in ay ladagaalamayaan Al-shabaab.laakiinn ujeedka sidaa Ma ahan ee waa in ay gurtaan Kheyraadka wadanka.




