Soomaali maxay rabtaa sharci inay ka dhigto ?
January 20, 2012 // admin // News, OpinionsSoomaalida waxaa haboon inay sheegaan waxa ay rabaan in lagu dhaqo. Dalka Soomaaliya waxaad moodaa in uu ku jiro mugdi kuna socdo wada khatar ah hadey noqon lahayd xaga siyaasada, xaga amniga. Dagaalo ba’an ayaa dalka ka jira oo uma baahna in qofka Soomaaliga loo sheego arinkaas waayo 20sano ayaan ku jirnay in kastoo uu lahaa wajiyo kala duwan tan iyo markii uu bilowday.
Waxyaalaha ugu khatarta badan waxa weeye in diintii saxda ahayd ee Islaamka ahayd ee dadka Soomaalidu haysteen in tashuush badan la geliyey oo kuwa gaalo raac ah iyo gaalo iyo kuwa khaldan oo diinta dhinac maray ay isugu tageen kana qayb qaateen tashuushka diinta la geliyey.
Waxkasta waa laga kaban karaa balse diinta oo dadka lagala diriro lagana fogeeyo ku dhaqan keeda waa arin aan si fudud looga kaban karin. Waxaad la socotaan in cadowga guud ee Muslimiinta uu qorshe ka dhigtay la dagaalanka diinta saxda ah ee Islaamka iyo sidii uu uga dheerayn lahaa ku dhaqan keeda dadka Muslimiinta ah. Waxaa sahlaya gaalada iyo kuwa munaafiqiinta ah ee jidkooda ku shaqeeya inay dadka diinta ka fogeeyaan iyaga oo farta ku fiiqaya arimo khaldan oo dad diin sheeganaya oo iyagaba ka mid ah qolyaha loo adeegsanayo ka fogeynta dadka diinta Islaamka ee naxariista ku salaysan iyo cadaalada.
Waxyaalaha khatarta ah waxaa ugu weyn in dadka laga fogeeyo ku dhaqanka shareecada Islaamka taas oo ah ujeedada ay rabaan gaalada iyo kuwa cadowga diinta u ah. Magac diineed kuwa wata oo khaldan ayaa la isticmaalayaa tusaale ahaan si dadka diinta looga fogeeyo. Culumada iyo dadka kheyrka wada oo diinta saxda ku dhegan ayaa dadka shacabka ah lagu dirayaa qaybtoodna la laynayaa sidii dilkii dhowaan loogu geystay Dr. Shiikh Axmed X. Cabdiraxmaan magaalada Boosaaso oo ahaa nin shiikha oo aad u sareeya aqoontiisa iyo xigmadiisa iyo sida wanaagsan ee uu dadka iyo bulshada wanaaga ugu horseedi jiray, Alle naxariistee jano haka wabaariyo Aamiin.
Waxaa talo ah in dadka Soomaalida ah ay diintooda ilaashadaan, ku dhaqmaan, isku xukumaan, cidna cidkale diinta kama xigto, culimada ayaa asaas ah in ay iyagu micneeyaan wixii ku adkaada shacabka iyo maamulada sababtoo ah culimada ayaa taqaan diinta, baratay, dadkana ka kaafin kara wixii mugdi ka galo.
Halayska ilaaliyo shirqoolka gaalo ee dalka Soomaaliya ka socda muddo dheerna ka socday, qofkasta oo Soomaali ah waxaa waajib ku ah inuu ka qayb qaato isu keenida umadda, ku dhaqanka shareecada, waa in lawada tashadaa, oo maagaalo magaalo, tuulo tuulo, degaan degaan, xaafad xaafad, koox koox intaba loo wada hadlaa kheyrkana laysu kaashadaa guda iyo dibadba.
Alle ayaan ka baryeynaa inuu xaqa na waafajiyo.
S/c
Siyaad Cali Yuusuf
siyaadyusuf@gmail.com




