Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Naseexo guud u jeediyey reer Boosaaso uguna baaqay in aysan qarin kuwii dilay Shiikh.Dr Axmed Xaaji.
December 12, 2011 // admin // NewsBoosaaso:
-Waxaa habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka jeediyey magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari muxaadaro naseexo ah Shiikh Cabdul qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada Soomaaliya ee ugu da,ada iyo cilmiga badan , Shiikh.Cabdulqaadir Nuur Faarax o maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Boosaaso ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay bulshada qaybaheeda kale duwan gaar ahaan ducaada iyo dhalinyarada magaalada Boosaaso rag iyo dumar ba isagoo Shiikhu Cabdulqaadir uu u jeedi yey muxaadaraad iyo waanooyin qiimo gal ah oo ku aadan dilkii foosha xumaa ee lagula kacay allaha u naxariistee Sh Dr axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu muxaadaradiisa waxaa uu ku soo qaatay sifooyinka ay leeyihiin kooxa lumay oo ay ugu horeeyaan kooxda Khawaarijta ah oo iyagu shaqadoodu ay tahay in ay dilaan oo kaliya dadka musli miinta ah ,Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa xusay in kooxdaas ay dileen raggii ugu qiimo badnaa ee Saxaabada sida Cali Ibnu Abu Dhalin iyo Cismaan Ibnu Cafaan Allaha ka raali noqdeen , kooxdaan ayaa waxaa ay yihiin kuwa aan iyagu marna ogolayn in ay xujo la yimaadaan ayna yihiin kuwo iyagu is cajabiyey.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku celiyey in dilkii Sh Dr Axmed Xaaji ay tahay sida ay u tilmaameen kooxdii fal kaas geystay isagoo Shiikhu uu xusay in uu hayo xujooyin cad cad uuna hadalkiisu ahayn iska hadal , Sh. Cabdulqaadir Nuur Faaxar ayaa ku booriyey dhalinyarada, Haweenka iyo Mujtamaha oo dhan in aysan hoosta soo gashan nin Ahlu bidaca ah oo alle uu ka dheereeyey naxariistiisa isagoo soo qaatay xadiiskii aha Allaha nacalado kii soo dhaweysta qof Ahlu bidac ah.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku booriyrey bulshada in aysan qarin ama aysan taakulayn kuwa dila dadka muslimiinta isagoo Shiikhu sheegay in qofkii sidaas sameeya uu Alle ugu goodiyey in uusan heli doonin naxariista Alle , Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ay si gaar ah haweenka iyo bulshada oo dhan ugu baaqay in ay alle u laabtaan kana fogaadaan xumaata iyo wax kasta oo khilaafsan diinta Islaamka.
Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in Alle ay isku dacweyn doonaa kuwa been abuurka fidiya oo yiraahda culimada wax ay sheegayaan waa been iyo wixii la mid ah wuxuuna Shiikhu sheegay in maalinta qiyaamaha ay alle hortiisa ku dacweyn doonaa , Shiikh aya ku celceliyey in warka iyo eedeynta ay dilkii Shiikh Dr Axmed Xaaji ay ka jeediyeen ay u haystaan xujooyin cad cad.
Dilka Shiikh Dr Axmed Xaaji ayaa diyaarintiisa waxaa qayb ka qaatay Fatwooyin baxay iyo rag ku sugan dalka dibadiisa kuwaas oo baraha Internetka geliyey qoraalo been abuur ah oo ay ku sheegayaan in culimada ku nool degaanada Puntlland ay lacag u aruurinayaan maamul ka Faroole oo ay u yaqaanan maamul Ridadda ah lacagtaas oo ay ku magacaa been Sako , cadaymahaas oo qoraalo ah kuwa codad ah oo fara badan ayaa ah kuwa keydsan Alle mahadiis iyadoo ay baraha Internetka ay beentii ay fidin jireen ay ka saareen serverkooda taas oo cadaynaysa in aysan haysan wax xujo ah, Baraha Internetka oo fidiya been abuurka culimada ayaa waxaa ay bilaabeen raad gadasho aan u shafeeci doonin.
source:www.halgan.net





shiikhu waa ku mahadsan yahay nasteexada uu umada u jeediyey, waxaana ka codsanaynaa culimada inay nasteexada iyo xaqa iftiimiyaan oo sii wadaan sheegida xaqa. Kuwa diinta ku qaraabanayana dadka looga digo dhagartooda iyo daminka xun ee ay ku wadaan umada muslimka ee Soomaaliyeed.