digg icon delicious icon

Ra’isulwazaaraha Somaliya:Shabaab iyagaa diidan Nabadda,Anagana diyaar ayaan u nahay in aan la xaajoono.

December 5, 2011   //     //   News

Ra’izulwazaaraha dowladda Soomaliya Mudane C/Wali Max,ed Cali Gaas oo Wareysi siinaya TV ga Al-Jaziira ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisa ay Marwalba diyaar u tahay in ay wadahadal lagasho Xarakada Alshabaab oo guud ahaanba diidan Siyaasadda ay hadda horboodeyso Xukumadda uu horkacayo Mudane gaas iyo kuwii ka horeyaba,

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Xarakada Al-shabaa aysan iyaga ogoleyn in ay miiska wadahadalka soo fareystaan si xal looga gaaro arimaha muragasan ee hadda ka jira Magaalada muqdisho dowladiisana ay soo dhaweyneyso cidwalba oo dooneysa in ay lawada hadlaan dowladda.

Mr Gaas ayaa dhowr mar ku cel celiyay in dowladiisu ay doneyso in ay gasho wadahadal ladoonayo in lagu medeyo Taliska Soomaaliya gaar ahaan waxaa uu Xarakada Al-shabaab dhowrjeer oo hore ugu baaqay in ay wada hadlaan,laakiin Al-shabaab ayaa guud ahaanba Saluugsan Siyaasadda dowladda.

hadalkan Ra’izulwazaaraha ayaa imaanaya xilli Magaalada Muqdisho ay si xooggan ugu soo bateen Qaraxyada iyo dagaalada dhexmaraya Ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwo Shisheeye oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale maalmihii ugu danbeeyay waxaa la arkayay Miinooyin la soo dhigayo meelaha muhiim ah ee muqdisho Sida wadooyinka ,isgowysyada ,kuwaasoo qaar kamid ah ay wax yeelo ka soo gaartay Ciidamada dowladda oo isku dayay in ay miinadaasi bixiyaan.

dhanka kale waxaa aad u sii kordhaya qab qabashada ay wadaan Ciidamada dowladda .kuwaaso Saraakiisha dowladda sheegeen in ay ku baacsanayaan  Xarakada Al-shabaab ,laakiin dad ka la qab qabto waxaa ay u badanyihiin dad rayid ah oo qaarkood hadda ku jira Xabsiyada ay dowladda Maamusho.

Readers Comments (0)