digg icon delicious icon

Qadar:Gudiga qaban qaabinaya koobka Cayaaraha Aduunka 2022 oo la cago ugu yaboohay Soomaaliya.

December 5, 2011   //     //   News

War lagu baahiyay Wakaaladda Warar ka ee Reuters ayaa sheegaya in gudiga qabanqaabada Cayaaraha Aduunka ee 2022 ee dalka Masar uu lacag farabadan ugu deeqay Soomaaliya gaar ahaan dad ka ay abaaruhu Saameeyeen ee ku nool dalka Soomaaliya.

Lacagtan ayaa waxaa ay gaareysaa ilaa 400,000 oo dollar Mareykankanka ah ,Waxaana gudiga uu sheegay in looga talagaly guud ahaan lacagtaasii dad kii ku duunya beelay abaartii ku dhufatay dalka Soomaaliya.

Xasan Althawadi oo ah Xog’hayaha guud ee gudiga qaban qaabada Cayaaraha Aduunka ayaa waxaa uu sheegay in arintan ay ugu gol’leeyihiin in lagu caawiyo dad ka Soomaaliyeed,waxaana ay lacagtaan ka timid Tartan dhawaan lagu qabtay dalkaasii Masar .taasoo ay ka soo qeybgaleen dad gaaraya 25,000 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo dad ka Soomaalida ah ee ay abaaruhu saameeyeen oo looga deeqo lacago taakuleyn ah ,laakiin waa markii ugu horreysay oo gudiga qaban qaabada Cayaaraha Aduunka 2022 ee dalka Masar ay lacagu ugu yaboohaan Soomaaliya,laakiin waxaa xusid mudan qaab Ceynkee ah ayey deeqdaas u gaareysaa dad kii looga talagay?,maadaama ay jiraan dhac loogeysto deeqaha dad kaasii la siiyo.

Readers Comments (0)