Pierre Nkurunziza:Ciidamo dheeri ah ayaan u direynaa Somalia,laakiin waa in aan helnaa qarashkii lagu geynlahaa Somalia.
December 5, 2011 // reporter1 // NewsMas’uulka ugu Sareeya dalka Burundi Ninka lau Magacaabo Pierre Nkurunziza oo Wariyaasha lahadlayay ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in Ciidamo dheeri ah ay u diraan dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan Ciidamada ka socda Burundi iyo Uganda ,kuwaasoo howlgal dagaal ah kawada dalka Soomaaliya.
Pierre Nkurunziza ayaa intaa ku daray in loo baahanyahay in Ciidamada hadda u socda dalka Soomaaliya ay helaan Qarashkii lagu geynlahaa dalka Soomaaliya Si ay u fuliyaan waajibaadkooda ayuu yiri Pierre Nkurunziza oo ah Madaxweynaha dalka Burundi.
”Waxaan QM ,Midowga Afrika ,Jaamacadda Carab iyo guud ahaan Beesha Caalamka ka Codsaneynaa in ay gacan nagasiiyaan sidii Ciidamadeenu u gaarsiin laheyn dalka Soomaaliya si ay ugu biiraan howlgalka hadda ay AMISOM ka wado dalka Somaliya” Sidaa Waxaa Wariyaasha u sheegay Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza.
hadalkan ayaa imaanaya xilli Ciidamo ka socda dalka Burundi ay dhawaan ku baa ba’een dagaal ay lagaleen Xarakada Al-shabaab kaasoo ka dhacay degmada daayniile ee Gobalka Banaadir,waxaana la ‘ogeen waxa ay Ciidamadaas ku soo kordhinkaraan dalka Marka laga reebo dhimashda soo gaareysa a dad rayid ah ee kunool Magaalada Muqdisho.




