digg icon delicious icon

NAYROOBI : Duqa Boosaaso oo lagu siidaayay damiin iyo rahaamad lacageed

November 22, 2011   //     //   News

 

Nayroobi:-Duqa Boosaaso Mudane, Xassan Cabdalla Xassan oo maalmahan ku xirnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Nayroobi kadib markii boorsadiisa laga helay rasaas uu ku halmaamay ayaa waxaa iminka ay ogaanay in damiin iyo lacag  lagu siidaayay kadib markii ay waxgarad ka soo jeeda Puntland ay ku dadaaleen siidayntiisa.

Siidaynta Duqa Boosaaso ayaa ka dambaysay kadib markii dadaal badan ay galeen siyaasiyiin badan oo reer Puntland ah oo ay ka mid yihiin Raysalwasaarihii hore Cumar Cabdirashiid iyo Siyaasi Cabdirisaaq Jurile.

Siidaynta Duqa ayaa waxaa noo xaqiijiyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan maamulka gobolka Bari.

Xassan Cabdala Xasan Duqa Boosaaso  ayaa waxa uu ka mid ahaa Masuuliyiin isugujiray Wasiiro iyo Guddoomiyaal Degmo oo u  safray magaalada Kampala ee dalka Ugandha kuwaas oo heshiis horumarineed oo lagu magacaabo Joint Progaram  ee sanadka 2012 soo saxiixi lahaa, hase ahaatee Duqa ayaan shirkaas ka qaybgali doonin waxaana la sheegay in uu si degdeg ah ugu soo laaban doono Puntland.

 

Readers Comments (0)