digg icon delicious icon

Muqdisho:ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo u digay hay’adda (CACAS)

November 25, 2011   //     //   News

Ra’isulwasaarha Soomaaliya  Cabdi wali Maxamed Cali oo lahadlay qaar kamid ah Saxaafadda ayaa hadal digniin ah ujeediyay hay’adda Marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (CASCAS  oo iyadu ilaa hadda maamusha hawada Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha hadalkiisa ayaa waxaa uu ahaa mid uu ha’y addaasi ugu baaqayay in ay soo wareejiso gacan ku heynta hawada Soomaaliya oo in mudda ah ay si toos ah u maamuleysay hawada dalka Soomaaliya, haddii ay dhici weydana ay Dowlada go’aan qayaxan ay ka qaadan doono.

Mas’uulka ugu sareeya Xukumadda Soomaaliya ayaa Maalmihii ugu danbeeyay la soo baxayay dar darxoogan oo haddii ay suuragasho dib u soo celinkara hanankii dowladnimo ee dalka Soomaaliya.

Hadalkan Ra’isulwasaaraha ayaa yimid kadib markii uu kulan la qaatay Saraakiil ka socota QM ,inkastoo uu ka gaabsaday in uu wax faa faahin uu ka bixiyo in Saraakiishaasi ka socota QM ay kawada hadleen Soo wareejitaanka gacanku heynta hawada Soomaaliya.

Readers Comments (0)