MUQDISHO:Barakacyaasha Muqdisho ku sugan oo kacabanaya wax is dabamarin ay sameynayaan hor joogayaashooda.
January 9, 2012 // reporter1 // News in EnglishIyadoo dad weyne aad u farabadan ay dib ugu soo laabteen Caasimadda Soomaaliya ayaa hadana waxaa jira Cabashooyin ka soo baxeysa dad ka barakacyaasha ah ee ku sugan Xerooyinka Magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah dad kaasi oo lahadlay Barbaahinta Puntlandonline ayaa waxaa ay sheegeen in ay aad ugu dhibqabaan gunnooyinka yar ee ay soo gaarsiinayaan Hay’adaha gar gaar ah ee ka howlgala gudaha Magaalada Muqdisho,waxaana ay tilmaameen in horjoogayaasha Kaamamkaasi ay Afka u dhigtaan in tabadan Cunnooyinka la soo gaarsiinayo.
Dhanka kale waxaa jirta in dad ka danyarta ah ay hotjoogayaashaasii ka qaataan lacago ay ku sheegeen in ay ugu keenayaan Cunto ama gar gaar,laakiin aanan noqon sidii wax loogu sheegay.
Si kastaba ha ahaatee dad ka danyarta ah ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa xillgan wajahaya dhibaatooyin xanuun badan oo ugu imaanaya dhinacyo kala duwan,laakiin ay ugu darantahay Musuq maasuqa lagu sameynayo waxa ay ka helayaan hay’adaha gar gaarka ah ee ku sugan Muqdisho.




