Muqdisho: Faa faahin ka soo Baxeysa Maraakiib ay weerareen Al-shabaab.
November 20, 2011 // reporter1 // NewsWarar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Maraakiib ay leedahay Kenya oo ay weerareen Ciidamo katirsan Al-shabaab ku waasoo ku sugnaa Jaziirada lagu Magacaabo Madhawa.
Maraakiibta Laweeraray ayaa waxaa ay ahaayeen Maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda deriska la’ ah Soomaaliya ee Kenya,waxaana Weerarka fuliyay Askar katisan Al-shabaab oo doomo dheereeya watay.
Qaar kamid ah dad ka Jaziiadaasi ka ag dhow oo lahadlay Puntlandonline ayaa waxaa ay tilmaameen in uu dagaal dhexmaray Ciidamadii Maraakiibtaasi Saarnaa iyo kuwii weeraray ,waxaana dagaalka uu socday muddo 30 daqiiqa ah.
Warar hoose ayaa waxaa ay tilmaamayaan in Askari ka tirsan kuwii weerarka soo qaaday uu dhaawacmay ,laakiin Majiraan ilaa iyo iminka cid ka hadashay daglkaasi dhexmaray Ciidamada Badda Kenyaatiga iyo kuwo Al-shabaab,waxaana dagaalkan uu qeyb ka yahay dagaalada dhexmaraya Kenyaatiga iyo Al-shabaaab.





Waan idiin hableyeynayaa Dhamaan Wariyaasha iyo howlwadeenada waxaan ka mid ahaa dad ka ku xedhnaa Websitekan ,laakiin markii aan Maanta arkay aad baan ugu faraxay Warar ka kalsoonida leh aad bilowdeen Mahadsanidiin ,Hanbalyo.