Muqdisho: Dowladda oo ku baaqday in ay Ganacsatada Bakaaraha ay bixiyaan Cashuuraha Dowladda.
November 20, 2011 // reporter1 // NewsDr; Cabdi wali Maxamed Cali gaas oo Maana Wariyaasha kulahadlayay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha xilli uu Suuqaas booqanayay ayaa waxaa uu ganacsaada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwo ku sugan Suuqa bakaaraha ugu baaqay in ay bixiyaan Cashiiraha ay dowladda leedahay si kor loogu qaado Ammaanka Suuqaasi.
Sidaakoo kale Ra’isulwasaaraha ayaa Tilmaamay in xilligaan ay laga maarmaan tahay in dowlada ay qaado Talaabo ku wajahan sidii Ganacsatada loogu qaadi lahaa Cashuuraha.
Hadalkan ka soo Baxay Mas’uulka ugu sareeya ee Xukumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xilli wali Shacabka Soomaaliyeed ay ladaalaadhacayaan dagaallo xooggan oo bur burburiyay hani dad Soomaaliyeed ay lahaayeen ,islamarkaana lagu waayay dad badan oo Soomaaliyeed.




