Meyd Wiil Dhalinyara ah oo lagu arkay Xeebta Liida ee Muqdisho.
January 27, 2012 // reporter1 // NewsSaakay ayaa Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho waxaalagu arkay Wiil Dhalinyara ah kaasoo Meykiisa ay soo tuftay Badda ,waxaana Wiilkaas la xaqiijiyay in uu kamid ahaa Wiilal Dhalinyara ah oo Maalintii Khamiista Xeebtaasi udabaal tagtay.
Qaar kamid ah Dhalinyaradii La socotay Wiilkaas ayaa Waxaa ay inoo xaqijiyeen in Wiilkaas uu qaaday Hirka badda,laakiin Saakay ayaa Meydkiisa waxaa lagu arkay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Intabadab Dhalinyarada kunool Magaalada Muqdisho ayaa in tabadan waxaa ay u dabaal tagaan Xeebta iyagoo doonaya in ay isaga soo Baasshaan,hasayeeshee ma ahan Markii ugu horeysay oo Wiilal Dhalinyara ah aay ku dhintaan Xeebaha Muqdisho.




