Mandheera: Kenya oo dad Soomaali ah ku qab qabatay Mandheera
November 25, 2011 // reporter1 // NewsWararka naga soo gaaraya Magaalada Mandheera ee dhulka Soomaalida kenya ay gumeysato ayaa waxaa ay sheegayaan in dad badan oo Soomaali ah ay qab qabteen ciidamada kenya ee Magaaladaasi ku sugan.
Dad ka la qab qabtay ayaa waxaa ku jiray ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugnaa Magaalada Mandheera iyadoona dhamaan dad kii ay ciidamada kenya ay qabteen loo taxaabay xabsiyo ay maamulaan ciidama Melletariga ee wadanka kenya.
Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaaladaasi oo la hadlay Puntlandonline ayaa waxaa ay sheegeen in ay arkayeen ciidamada kenya oo wata gawaarida gaashaaman ee dagaalka, ku waasoo dhexmushaaxaya gudaha magaaladaasi.
Sikastaba ha ahaatee Magaalada ayaa hadda waxaa ay tahay mid degan ,inkastoo dad ka halkaasi kunool ay muujinayaan cabsi xoogan oo kuwajahan ammaankooda.
howlgalkan ayaa imaanaya xilli shalay qarax xoogan oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada kenya uu ka dhacay inta udhaxeysa Baladxaawo iyo Mandheera.




