Garoonka Gaalkacyo oo la weeraray iyo Duqeyn maanta laga maqlay Gaalkacyo.
November 22, 2011 // reporter1 // NewsKooxo hubeysan ayaa Barqanimadii maanta waxaa ay weerar qorsheysan ku qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada gaalkacyo ee xaruunta gobalka mudug.
Dad ku sugan gaalkacyo ayaa sheegaya in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta kala duwan gaar ahaan waxaa ay xaqiijiyeen in ay maqlayeen hubka culus kaasoo ay isweydaarsanayeen ilaa lada garoonka iyo kooxihii weerarka ku qaaday garoonka.
Waxaa sidoo kale la sheegayaa in Ciidamada Ammaanka ee ilaalada ka ah garoonka ay iyana ridayeen qoryaha culus,inkastoo ilaa iyo minka aan la soo sheegin cidda wax ku noqotay duqeymahaasii la isweydaarsanayay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Ammaanka ee garoonka oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday ian wax afaa faahin ah ay ka bixiyaan weerarkan lagu qaaday garoonka,laakiin warar ayaa tilmaamaya in kooxahaasi ay ka yimaadeen dhanka koonfureed ee magaalada gaalkacyo ,mana la oga ujeedada ay lahaayeen.
Puntlandonline kala soco wararkii ugu danbeeyay ee Caalaamka gaar ahaan warar ka ka dhacaya dalka Soomaaliya.




