digg icon delicious icon

Carqaladeyn lagu hayo Ammaanka Deegaanada Loobarakacay iyo qax kabilowday deegaakaas.

January 22, 2012   //     //   News

Qaxan ay Sameynayaan dad ka shacabka ah ee degan Deegaanada loo barakacaya ayaa imaanaya xilli Maalintii shalay ay duqeyno xooggan ka dhaceen deegaanada loo barakacay gaar ahaan deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Maanta ayaa la arkayay dad weyne qax sameynayaa kuwaasoo dib ugu soo laabanaya Magaalada Muqdisho oo ay horay ugu barakaceen kadib Markii Muqdisho ay ka dhaceen duqemo iyo dagaallo u dhaxeeyay Midowgii Maxaakiimta iyo Ciidamadii Itoobiya ee dalka xoogga ku yimid.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa ay noqdeen kuwo dhibanayaal ah tan iyo Markii ay dhacday xukumaddi dhexe ee dalka ,waxaana xilligaas waxii kadanbeeyay ay shacabka noqdeen kuwo Marwalba lakulmaya dhibaato iyadona dagaal walba uu dhaco ay saameeyn kuyeshaan Shacabka Soomaaliyeed.

Deegaanada loo barakacay ayaa waxaa ay tahay Meel ammaan oo dad ka waxaa ay ku heystaan Nabadgalyo buuxda ,laakiin waxaa ay u muuqataa in laga carqaladeynaayo Maxaayeelay dad kii hadda waxaa ay noqdeen kuwo ay Cabsi la soo diristo kadib duqeyntii Shalay.

Dhanka kale Muqdisho ammaankeeda la’isku ma haleyn karo Maxaayeelay waxaa ka dhaca dagaallo had iyo jeer dhexmaraya Ciidamo kawada tirsan dowladda ,dhanka kale waxaa Marar qaarkood ay dadka Muqdisho ku sugan lakulmaan Dil,Dhac,Kufsi,iyo handadaad lagu hat\yo dad ka da’yar ta ah ee Muqdisho ku nool.

Readers Comments (0)