Links    Wararkii ugu dambeeyey  
 
Abaaji.com
Aflax.net
Afnugaal
Agabso.com
Allmaakhir
Allmudug.org
Allpuntland
allsanaag
Allsomali
Allwadani
Altaqwaa
Badhan-online
BBCSomali
Boocame.com
Burtinle
Cadaado
Calanka
Carmooyin
Dayniile
Dhahar.com
Dhulkeena
Doollo
Gabooye
Galoley
Gedonet
Goldogobsite
Guulane
Hadaaftimo
HadhwanaagNews
Halgannet
HalganNews
Hiiraan.com
Hornafrik
Hornrelief
Idamaale
IQRA
Jamhuuriya
Jammaame
Jarbooleey
Jidbaale
Jowhar
Kismayo
Laasqoray.net
Maakhir
Maandeeq
Markacadey
Mudug-online
Nugaal
Puntlandfuture
PuntlandPost
Qalaafe
Qaranimo
RadioGalkacyo
RadioGaroowe
RadioJigjiga
RadioNugaal
Ramaas Software
Sanaagpost.com
SBC Radio
Shabelle
Somali Press Review
Somalilandorg
Somalitalk
Somaliweyn
Togdheeronlie
Togdheersports
TVsomaliland
VOA SOMALI
Wardheernews
WidhWidh
Yamays
 
Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Faarax Cali Jamac “Lacagta Cusub Waa Mid Ka Caaganaan Doonta Puntland

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed mudane Farax Cali Jaamac ayaa ka hadley lacagta cusub ee xukuumadda federaalku soo samaysanayso, waxaana uu si adag u sheegay in lacagtaasi tahay mid xaaraam ah oo aan Puntland ka shaqeyn doonin.


Wasiirka ayaa marlabaad sheegay in waddada loo maray ay tahay mid qaldan, waana wax ku dhisan damac doonid qofeed oo keliya, waxa loo soosamay sanaayona ay tahay waxa yar ee bulshadu haysato in lagu dhaco.


Mudane Faarax Cali Jamac Wasiirka Maaliyadda ayaa hoosta ka xariiqey in lacagtu aysan ahayn mid soo martey waddo sharci, xitaa dawladda federaalka ayaan isku raacin, waana wax aan ku salaysneyn dhaqaalaha dalka, taas oo aan lagala tashan meelaha ay khuseyso sida Ganacsatada, maamulada sida Puntland Bangiga dhexe mana ahan mid u cuntamaysa bulshada Soomaaliyeed.


Wasiirka ayaa sheegay in lacagtaasi ay horseedi doonto sicir barar aad u sareeya, shilinka soomaaliguna qiime dhac uu ku yimaado, isla markaasna ay tahay mid lagu dhacaayo danyarta.


Faarax Cali Shire ayaa ku eedeeyay Dawladdda Federaalka inta ay dalka ka maamusho waxyar mana ogola wada tashi, waxaanse u cadeynayaa in ay noqon doonto lacagtaasi mid ka caagan Puntland isla markaasna xaaraam ka ah Puntland.


Wasiirka ayaa sidoo kale ku nux nuuxsadey in Xukuumaddu ay haysato aqoonso siyaasadeed ee aysan haysan mid latijaabiyey oo sharci shaqaynaya oo ay wax ku xukunto,  marka la tijaabiyo waa in ay dalka xukuntaa oo waddanka maamul ahaan wax ka fulin karto, waana qalad aqoonsigaas siyaasadeed oo kaliya in wax kasta lagu saleeyo


Source: horseedmedia


 


 


 


 


 

         ©2008 Puntland Online.     .