| Dhoola Tuskii bilowgii isbedel doonka iyo khalkhalka Siyaasadeed ee Puntland. |
bilowgii Sanadkaan Wakhtigii dhidibadda loo aasay Dowladda Cusub ee Puntland kadib markii doorashooyin la Galay uu ku Guulaystay Madaxweynaha xilka hadda haya ee Puntlnad Dr. abdirahman mohamed Mahamuud Faroole Waxaa Puntland ka Muuqday horumar iyo dhaq dhaqaaq Nabadeedd Oo aad u Wanaagsan iyo horumar kooban Oo ay Gaadhay Puntlnad Waxaana hal Mar ay Ciidamadda amaanka Puntland Fuliyeen Howl Gallo aan Naxariis lahayn Oo ay ku Sugeen amaanka Puntland Guud ahaan Goboladda ay Sidda Rasmiga ah uga Taliso Puntland. Xukuumadda Cusub ee Faroole Waxay kaloo bilowday in ay qurxiso bilicda Magaalooyinka qaarkood Oo ay kharash badan ku bixisay Sidda Magaaladda Garoowe Oo Si heer Sarre ah bilicdeeda loo hagaajiyey amaankeedana la Sugay Waxaa kaloo Muuqday Oo ahaa Wax la Taaban karo in Barlamaanka Puntland ay Meel Mariyaan Tastuur Cusub Oo Puntland Lagu Dhaqayo hasse yeeshe ay u Codeeyeen ilaa 49 Xidhibaan ilaa iminkana aan Dadka Reer Puntland Waxba laga Waydiin Dhanka kale Miisaaniyadda Puntland ee Sanadkaan ayaa Waxay ahayd Mid aad u Wanaagsan Oo aan Wax Musuq maasuq ah ka jirin. Dhanka kale bilihii koobnaa ee ay jirtay Dowladda Faroole Waxaa ay Samaysay Dhismayaal Fara badan Oo loo Sameyey qaar ka Mid ah Wasaaradaha Dowladda kuwaas Dhul ka Fog Magaaladda Garoowe Laga Sameyey Waxaa kaloo la sameyey Xaruumo baarlamaan Oo Cusub Oo iyana laga Sameyey Meelo ka baxsan Gudaha Garoowe iyo Dhismayaal kale Oo Fara badan Xukuumadda Faroole Waxay kaloo Dhismayaal ka Samaysay Magaaladda bosaso Sidda Shirkad koronto Oo uu Dhagax dhigay Faroole iyo cusbitaalka Wayn ee bosaso Oo isna Uu Dhagax Dhigay Waxaa kaloo jirra balan qaadyo dhismayaal Fara badan kama qaban Puntland Wax Muuqda Meelaha Muhiimka ah Sidda Xabsiyadda Oo ay Dambiilayaashu ka Fakadaan Guud ahaan xabsiyadda Puntland Marka laga Reebo Xabsiyadda Magaaladda bosaso Oo iyagu ah Xabsiyadda ugu adag ee Wax lagu ilaalin karro Waxaa jiray Wax qabadyo kale Oo Fara badan Oo ay ku Talaabsatay Puntland Mudaddii koobnayd ee jirtay Sidda Masuulyiinta Sar sarre ee Puntland Oo heeshiisyo la Soo Galay Madax Sarre Oo Calaamka haddi aynu Soo qaadanno Safar kii Faroole ee Maraykanka Oo uu heshiisyo badan la Soo saxiixday Madaxda Caalamka qaarkood. Wax qabad baddan Oo Mudda kooban Taabba Galay Kadib Maxaa Dhacay? Puntland Waxyaabo baddan Oo ay qabatay ayaa jirray Mudaddi koobnayd ee ay jirtay Waxaase jirtay Waxyaabo baddan Oo ay Saxaafaddu buun buunisay Oo ahayd horumar lagu Tilmaamayey Puntland Waxaase Wax kasta Soo afjarmeen bishii july ee aynu Soo Dhafnay kadib Markii khal khallo siyaasadeed Oo Fara badan ka Dhex bilowday Puntland Madaxdda Goboladda qaarkood iyo Masuulyiinta Sar sarre. Haddi aynu ka bilowno Dilkii Wasiirkii Warfaafinta Puntland Warsame Cabdi Shirwac Seefta banaan Oo lagu Toogtay Goob Cafeteria ah Oo ku Dhex Taala Magaaladda Galkacayo ee Xaruunta Gobolka Mudug Waxaa Xumaadday Waxyaabo badan Oo aan lugu Wacan ku Taagnay ee Puntland Samaysay Sidda amaanka iyo Khal khal balaadhan Cuqdad laysku qaado iyadoo haddana laga baqsan yahay Dagaalo beeleedyo Sii Faafa in ay ka dhacaan dhulka qaar ka Tirsan Puntland. Kadib Markii uu Dhacay Dilkii qorshaysnaa ee Wasiirkii Warfaafinta Puntland ayaa Waxaa isla habeenimaddi Waxaa istoogtay Taliyihi Ciidamadda amaanka Putnland G/Sarre Muuse Salaax iyadoo ilaa haataan Saraakiisha Sar sare ee Puntland ka Talisa aysan Ka Warbixin ujeedadda ka Dambaysa Dilka Taliyahaas Wax xog ah Oo dheernaa aysan Saxaafaddu ka hayn waxaa ka Dambayey ayaa Dhamaan Madaxdii Sar sarre ee Puntland Waxay isugu Tageen Magaaladda Galkacayo ee Xaruunta Gobolka Mudug. Sidda Madaxweynaha Puntland Dr. abdirahman mohamed Mahamuud ku xigeenka Madaxweynaha Gen. abdisamad Cali Shire iyo qar ka Mid ah Wasiiradda Sar Sarre ee Puntland Sidda Wasiirka aminga Gen. Cabdulaahi Siiciid Samatar Wasiirka arimaha Gudaha dowladaha hoose iyo horu marinta Reer Miyiga Gen. Cabdulaahi Axmed jaamac ilka jiir Wasiir Maaaliyadda Puntland Mr. Faarax Cali Shire iyo Madax kale Oo Puntland ka Socda Waxaa muuqatta Oo ay qabteen Madaxdaasi Waxaa la Oran karaa Waa Xalinta amaanka Galkacayo Oo dhamaystirnayn Oo badanaa ay ka dhacayaan Falal Toogasho qorshaysan iyo Weliba kulamaddi ay la galeen Ra,isal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Shar,make Oo ay heeshisyo la Galeen iyo Weliba Golla Degaan Oo loo Sameyey Magaaladda Galkacayo Ilaa hadda kama Muuqato Wax Cad Oo kale oo ay ka qabteen Madaxdaasi Gobolka Mudug intii ay joogeen Waxaa Dhacay Dilal badan Oo Sharaf Darro ku ah Puntland Sidda Dilalakii Loo Geystay Culimaddi bakistaan u Dhalatay ee Tabliiqa aha kuwasoo Majidkoodkii inta lagala baxay Lugu hor laayey Meel Masaajidkaasi u dhow. Puntand Xal kama Gaadhin Soo qabashadii 10 Ninkii ee Geystay Toogashadda Culimadaasi Waxa jirta Dadaalo Fara badan arimo kale oo qalafsan ayaa iyana ka dhex jirra Sidda beelaha isku hayya Gobolka bari Waxaana Puntland hadda layabaan Caalamka Waddamo badan oo kamid ah Oo ka shaqeeya Dhibaatooyinka Puntland Cadowna ku ah qosol iyo Rayn rayna ku Seexda marka Dhibaato Soo Gaadho Puntland hasse yeeshe Waxaa Puntland ay iskor jibisay 7 bilood ee hore Wixii ka dambeyey Doorashadii Sida bishii koowaad Waxaana Dadlal badan Oo calamka ah Noqdeen kuwo layabay horumarka Puntland Waxaana Xirir Wacan la yeeshey Dalal badan Oo Calamka ah hasse yeeshe Waxaa Soo xumaaday xiriirkii Wacna ee Puntland Samaysay Mudaddi yarayd Sidda Xuskii 11 Guuraddi Oo Caalamku isha Si Gaar ah ugu hayey qaabka looga Dabaal degayo iyo Horumarkeeda. Waxaase dhacday Wixii ka Dambeyey Dilkii Wasiirkii Warfaafinta iyo istoogashadii Taliyihii Ciidamada maanka Puntland iyo Xansuuqii Culimaddi Taqliiqii Galkacayo Lagu layey in aduunkuu Dhaleecayn ba,an usoo Jeediyo Puntland Sidda Hay,adda ICG Oo Canbaraysay Waxqabadkii Puntland iyo Waxyaabo kale Oo Fara badan Waxaana Fashilmay Dhoola Tuskii horumarka puntland iyadoo khal khal siyasadeed bilowday. Fiira Gaar ah Maqaalkan Waxa uu ugar yahay Qoraha Maqaalkan W/Q: abdirahman Mo,hamed koronto Email:-danjire_143@hotmail.com |


