| Maxaa uharay Magaalada Muqdisho |
Magaalada muqdisho Waa Caasiamdii Somaliya Somaliya Waxaana kunoolaa Dad aad ufarabadan Xilligii Dalka Somaliya ay kajirtay Kaladabeyntii iyo Sharcigii. Muqdisho Waxaa ku oolijiaray Goobo aad ufarabadan kuwaasoo ay wali siweyn uxusuustaan Shacabka Somaaliyeed gaar ahaan Dadkii Noolaa Xilligii ay Dowladii dhaxe Dalka kajirtay Taasoo uu hogaaminayay Madaxweynihii ee Somaliya Maxamed Siyaad Barre Marka aan ku hormarno muqdisho Waxaa lagu xusuustaa Dugsiyadii Wax barashada kuwaasoo isgu jiray Hoose Dhaxe Sare Waxaana ka waxbaran jiray arday aad ufarabadan oo Somaali ah ku waasooo siweyn ugu faa iday waxbarashii Xilligaasii kajiratay Dalka Somaliya .isbiitaalo waa wwyn ayaa sioo kale kuyaallay kuwaasoo ay jireen qaar hoostaga Dowladii Xiligaasii jirtay, Waxaana wax loogaqabanjiray Shacabka Somaliyeed haddii aan wax kaxusbno isbitaaladaasii Waxaa kamid ahaa isbitaalka dhalaanka iyo hooyada ee banaadir kaasoo ay ku dhalijireen hoo yooyinka Somaliyeed Waxaa sidoo kale kamid ahaa isbitaalka Digfeer oo aan filayo in ay siweyn ugaranayaan Dad farabadan oo iminka dhageesanaya idaacadada daljir Waxaana lagu daweyn jiray dadka ay dhaawacyada kalagisan soogaaraan , hadaba Magaalada muqdisho ee Caasimadda Somaliya Waxaa ay iminka ay umuuqaneysaa in guud ahaanba ay isbadal uu kuyimid kadib markii ay meesha kabaxaday Xukunkii Somliya Magaalada muqdisho Waa hooydii Gobada Dalka Somaliya hadda Waxaa kasocda dhibaatooyin Farabadan Waxaana muqdisho lagu arkay Wax aan wali lagu arkin Qaar kamid ah gobladda Dalka Somaliya. Dhibaatooyinka ayaa Waxaa ay noqdeen kuwo Marba marka kasii danbeysa kasii daraya Waxaa jirtay Xilli Magaalada Muqdisho ay ku hardamijireen kooxo hogaamiye qabaa il ah ku waasoo kala Calaameysatay Xaafadaha kalagisan ee Magaalada Muqdisho hogaamiyaashaas ayaa Waxaa ay ahaayeen kuwo Gacan ka helayay Qabaa ilada kalagisan ee kusugan Magaalada Muqdisho.Waxaana Muqdisho kajirajirtay Dagaallo ay intabadan ay isga hor imaanayaan qabaaa ilada, Xaafadaha Magaalada ayaa waxaa loo sameyay Waxa ay dadka reer Muqdisho uyaqaaanaan qadka cagaaraan taasoo beel waliba ay ku ekaayeen Xaafada ay daganyihiin Marka laga reebo Dagaalka Dhanka hubka ah Waxaa ciyaalka Xaafada ay sameyn jireen Dagaal looyaqaano weero ku waasoo galab walba ka dhicijiray Xaafadaha Magaalada inkastoo Markii danbe uu isku badali jiray Dagalka Dhanka hubka ah oo ay Dadka waaweyn ka qeyb qaadanjireen, iyadoo ay dhibaatooyinkaasii iyo kuwo kaban muqdisho ay kajireen ayaa hogaamiye kooxeedyadii Waxa ay ku midoobeen isbaheysi ay uu magacdareen isbaheysiga ladagaalanka argagixisada taasoo looga dhawaaqay Dagmada Daayniile ee Gobalka Banaadir uu xilligaasii ka ariminayay Maxamed Qanyare afrax Waxaa Xilligaasii Magaalada Muqdisho kuyaalay Maxkamdo ay sameysteen qaar katirsan beelaha kuwaasoo ay ugu talagaleen in ay ku xeraan Caruurta looyaqaano Caasi waaliodiinta ayaa Maxkamada haasii Waxa ay ahaayeen ku wo aan abood buuran aan laheyn in kastoo Markii Danbe 2006ii ay midoobeen Dhamaan Maxkamdii kuyaalay Caasimadda Somaliya ee Muqdisho Waxaa dhacay Bishii Vebaraayo 2006ii Dagaal Xooggan oo dhaxeeyay hogaamiye kooxeedyadii oo garayay ilaa iyo Sagaal hogaamiye iyo Ciidamo ay wateen Maxaakiimtii. Dagaalkaasii Waxaa uu ahaa mid aad uweynaa Waxaana ku geeriyooday Ciidamo Frabadan oo labada dhinac ah Waxaana jirtay Dhibaatoyin isgugu jiray Dhimasho dhaawac iyo barakac soo gaaray Dadka Rayid ka ah ee kusugnaa Magaalada Muqdisho Dagaalkaas ayaa waxaa uu ahaa mid inbadan kasocaday Magaalada iyo gobaladda Kexeeran Magaalada Muqdisho inkastoo Dagaalkaasii ay ay maxakamada ay kulawareegeen Dhamaan Caasimaddii iyo Gobalada koofureed, dhanka kale dowladii fadaraalka ayaa isku dayday in ay kafaa ideesato Fursaddan ah lawareegidda Caasimadda iyo goballada Dalka Somaliya ee dhanka koofureed Maadaama Dowladd ay Xilligaasii hortaagnaayeen Hogaamiye kooxeedyadii kusuganaa Magaalada Muqdisho Maxkamadii ayaa diiday in ay wadahadala ay lagalaan Dowladii Fadaraalka Somaliya Waxaana Qarxay Dagaaloo Xoogabadan oo u dhaxeeyay Dowladdii Fadaraalka Somaliya oo gacan kahelayay Millitaarka Dowladda ithoopia iyo maxaakiintii kajirtay dhanka koofureed ee Dalka Somaliya Waxaana Dagaalkaasii weerar lagu soo qaaday Magaalada Beydhaba oo ay daganeyd Dowladii Fadaraalka Waxaa Dagaalkaasii uu suurta gal kadhigay in Dowladii Fadaraalka ay gudaha usoo galaan Magaalada Muqdisho inkastoo faaladan aan lagu soo koobikarin waxa yaabihii muqdisho kadhacay hadana waxaan isku dayeynaa in aan soo koobno, Muqdisho Waxa kadhacay Waxa ay siweyn ugu Naxeen bulshada Somaaliyeed iyo Beesha caalamka dhacdooyinka ugu waayen ee muqdiho kadhacay Waxaa kamid ahaa Dad loo gooracay Sidii Xoolaha ookale Waana Fal arxan darra ah oo kadhacday Magaalada Muqdisho, hadaba Su ,aasha isweyn diinta Muun Waxa ay tahay muxuu kasbaday qofkaasii ay gooraha ay labegsanayaan hadaba Magaalada Muqdisho ee Caaasimadda Somaliya oo ay kadhaceen Falal cabsi leh ku waasoo ay indhaha ay saareen Dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, majiraan dhacdooyinkale oo lafilayo in ay kadhacaan Magalada Muqdisho Marhadii ay Muqdisho ay kadhaceen Falalkaasii an soo sheegnay iyo kuwo kale aanan inoo saamxin waqtiga in aan soo bandhigino akhritoo isweydii in ay dhicikaraan Falalal kale oo cabsi leh Maxase sabab u ah in ay falal ceynkan oo kala ah ay kadhacaan caasiamadii somaliya lasocoqeybta Labaad W/Q Axmed Xasan ibraahin (Axmed yare |


