Links    Wararkii ugu dambeeyey  
 
Abaaji.com
Aflax.net
Afnugaal
Agabso.com
Allmaakhir
Allmudug.org
Allpuntland
allsanaag
Allsomali
Allwadani
Altaqwaa
Badhan-online
BBCSomali
Boocame.com
Burtinle
Cadaado
Calanka
Carmooyin
Dayniile
Dhahar.com
Dhulkeena
Doollo
Gabooye
Galoley
Gedonet
Goldogobsite
Guulane
Hadaaftimo
HadhwanaagNews
Halgannet
HalganNews
Hiiraan.com
Hornafrik
Hornrelief
Idamaale
IQRA
Jamhuuriya
Jammaame
Jarbooleey
Jidbaale
Jowhar
Kismayo
Laasqoray.net
Maakhir
Maandeeq
Markacadey
Mudug-online
Nugaal
Puntlandfuture
PuntlandPost
Qalaafe
Qaranimo
RadioGalkacyo
RadioGaroowe
RadioJigjiga
RadioNugaal
Ramaas Software
Sanaagpost.com
SBC Radio
Shabelle
Somali Press Review
Somalilandorg
Somalitalk
Somaliweyn
Togdheeronlie
Togdheersports
TVsomaliland
VOA SOMALI
Wardheernews
WidhWidh
Yamays
 
WARYAA DHOOHAN SOOMAALIYEY, DHALLAANKEEDA QALATOY, CAQLIGA GORAYO IDINKA SABATAYE XAGGEEBAAN KU SOCONNAA?

ACWW


WARYAA DHOOHAN SOOMAALIYEY, DHALLAANKEEDA QALATOY, CAQLIGA GORAYO IDINKA SABATAYE XAGGEEBAAN KU SOCONNAA?


Wacdi, waano, talo iyo digniin qaadanweyney, waan is dabargoynay, dulli, dibad joog, dal la'aan iyo dagaagnimo ayaan ku dambaynay, adduunkiina waa innaga daalay, wixii dan innoo ahaana waan ka habownay. Iimaan la'aan iyo aragtixumo ayaan la asqoownay oo hiil bidnay,


Rabbi SWT waan diidnay in aan ka baqno, waana ku casinay markaan ku shukrinweyney nimcadiisa, waxaana hawl ka dhiganay in aan habeen iyo maalin gumaadno addoommadiisa aynuna xaqdarro ku daadinno dhiiggood, hantidooda iyo sharaftoodana ku xadgudubno.


Waxaan ankirray, shirqoolnay, baabi'innay, booraan dheerna ku ridnay magacii, maamuuskii, maslaxaddii, jiritaankii iyo karaamadii Ummadda Soomaaliyeed adduunka ku lahaan jirtay, kuna dhaqnaan jirtay, waxaana samaynay oo aad ugu dhiirrannay fulinta ficil xun ee kasta oo ay cadowyadeennu rabeen in aan samayno, markay isugu keen dhiibeen hub aan waxba reebihayn oo aan dhammaad iyo kala go' lahayn, waxayna innoo adeegsadeen dad innaga mid ah oo aan wax damiir ah, jiir damqada iyo garasho ku filan lahayn, laguna sasabtay sandareerto.


Haddii aan sidaasi run ahayn oo aan la doonihayn baaba'eenna iyo in dhulkeenna la dhaxlo, maxaa hubka qaalliga ah hibo la innoogu siiyey, xisaab la'aanna u yaal guri, garaash iyo goob kasta, isla markaasna dadka weli naftu ku jirto u waayeen raashin ay cunaan, iyagoo looga dhaartay in ay helaan fursad nabadeed iyo xasilooni ay ku shaqaystaan?


Miyaanay caddayn marka in aan noqonno in hubkaas nafta lagaga qaado, dagaal joogto ahna lagu wado iyo in u dhimata macaluul, cudur, dhaawac iyo daryeel la'aan?


Waryaa Soomaaliyey, caqliga gorayo idinka sabatay ee xaggeebaan ku soconnaa? Bal yaa sheegi kara halka loo qalabqaatay oo ciidammada iyo colalka la kala qoondaystay kusii jeedaan, maxaase lumay oo ay soo dhicinayaan? Waryaa iimaanlaawayaal, yaad xakumaysan haddii aad dadka xabbad ku dhamaysaan?

19 sano waxaan soo dubannay 4 xukuumadood oo ay horboodayeen Siyaad Barre, Cali Mahadi, Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf, imminka xukuumaddii 5aad ayaa birta loo afaysanayaa.

Tusaalahaas yar ma ku fahmi karraa in aan nabad, nolol iyo dawlad la innala rabin,  iyo in la innoo qorsheeyey in aan ahaanno haad geed waayey, ama aan sidii ratigii indhaha laga xiray ee macsarada lagu shiidanayey isaga dabawareegno,  ogaadana in aan dadkeennii sidii macsarada xabbad ku shiideynno, aynuna indhaha, dhegaha iyo qalbigaba ka xirannahay, innaguna isugu wacanahay ee aynaan cid kale ku eedeyn.


Waryaa maanlaawayaal, warmoogayaal, magacood ba'ooyin iyo macangagiin, ma sidaas baad islaam iyo culimo ku sheeganaysaan?

Waxaad sheegtaan in aad dal, dad iyo diin xoreyneysaan, waxaanse anigu aamin sanahay in aad cadoowga koowaad tihiin, uuna idindhaami lahaa gumeysi cusub oo dalka qabsada, intii ummadda ka hartana naftooda badbaadiya.


 Nasiibdarrada weyn ee cusub waxaa maanta ah in ay weerar iyo awood sheegasho iskaga soo horjeedaan qaybo ka mid ah Culimadeennii Diinta Islaamka ee dalkeenna markii iyagana markooda lagu adeegtay, una kala firdheen sidii qarshad ama dhalo dhulka lagu dhiftay, koox walibana leedahay anigaa xaqii ku taagan, ciddii iga hortimaada oo aan ka mid ahayn taageerayaashaydana waa gaalo, waxayna wada daliilsanayaan Aayado Qur'aan ah iyo Sunnaha Nebigeenna suubban (Naxariis iyo Nabadgelyo Korkiisa Ha Ahaatee).


Markii la saadaaliyo sida hadda jartu u socoto, haddii kooxaha hadda dagaallamaya ee ka soo horjeeda dawladda jirta mid ka mid ah ku adkaato dagaalka, kooxdaas ayaa haddana kala jajabaysa, dagaallo hor lihina dhexmarayaan, waxaana arrimahaas oo dhan sabab u ah danaysi gaar ahaaneed iyo iyadoon qofna qof kale waxba la doonayn, waxaana loo wada xusulduubayaa "ama aan dhinto, ama aan dhaxalka helo,


goobtana aan u haro markayga", mana muuqato cid miyirqabta oo hoos u eegeysa halaagga tobanka af leh ee ummadda darxumada baday.


Waryaa, yaa doqon ah oo duurka loo xulaayaa, maxaad ula jeeddaan markaad carruurta yaryar ee aan weli garaadsan 


ku hawlgelineysaan jahaad gala janno ayaad heleysaane?  


Waryaa, ma idinka jannadu jeebka idiinku jirta oo ciddaad


doontaan ku abaalmarin kara?


Goormuu jahaadku bannaanyahay?


Adigoo islaam ah in aad islaam ku jahaaddo yaa kuu ban-


neeyey?


Adigu hadda ma hubtaa in aad janno geleyso?


WARYAA DHOOHAN SOOMAALIYEY, SIDU WAA SIDEE? CIRIB-BEELKA


DADKEENNA IYO DHAXALWAREEGGA DALKU MA INNOO DANBAA?


WARYAAYA, MIYEYDINAAN OGAYN IN WAXA HUBKA LA IDIINSIIYEY AY


TAHAY HOOYOO KU GO'? AMA HOOYOO KU DHIMO?


WARYAA WALAALKI DILOOW WALLEE ADNA DHIMATAY OO WAXBA


KAMA DAMBAYNAYSO, CIQAABTII EEBBENA WAA HALKEEDII EE ISDABA


QABTA KANA BAXA WAXAAD KU JIRTAAN IYO BAASAHA AAD WALAAQAYSAN.


WARYAA DAMIIR LA'AAWAYAALOOW, BAL DIB ISUGU NOQDA OO IN YAR


FEKERA OO HADDII AAD ILAAH TAQAANIIN XABBADDA JOOJIYA, JOOJIYA,


JOOJIYA, JOOJIYA OO WARYAA CAQLIGA GORAYO IDINKA SABATAYE


XABBADDA JOOJIYA, QORIGANA ISKA DHIGA.


WARYAA, JIRRAB, KADEED IYO CIQAAB ADDUUN DADKAAN UMA HARIN


EE XABBADDA JOOJIYA, OO JOOJIYA XABBADDA ISMADHAANTO-


YAHAY BAAS.


HADDAAD CODSIGA XABBAD JOOJINTA DIIDDAAN, RABBI BAAN DHAMBAAL


BARYO AH U DIRSANAYNAA SI UU IDIIN XAKAMEEYO OO DHAQSO KIIN


NOOGA QABTO..DULMANAYAA BAANNU NAHAY, BARYA SHACABKANA


ILAAHAY WAA AQBALAYAA, INSHAA ALLAAH.


ANNAGU DIL, BARAKAC, QAXOOTI, TAHRIIB, BURCAD BADEED, DHAC


IYO QABYAALAD WAAN KA DAALLAY, TABAR DAMBENA UMA HAYNNO.


SIDAAS DARTEED, WAXAA SHACABKA INTOODA YAR EE NAFTU KU JIRTAA


LEEYIHIIN:


WARYAA, ANNAGU NABAD IYO NOLOL BAAN RABNAA.


WARYAA ANNAGU DAWLAD BAAN RABNAA.


WARYAA ANNAGU JIRITAAN, SHARAF, AQOON, DHAQAALE, DAAWO,


WALAALNIMO, SOOMAALINIMO IYO MIDNIMAAN RABNAA, ILAAHAYANA


KHEYR IYO BARKO NOOMA WAAYIN, WAANA KU KALSOONNAHAY,


WAXAANUNA LEENAHAY ILAAHOOW TOOBA, ILAAHOOW TOOBA,


ILAAHOOW TOOBA IYO ALLOOW CADOOWGA NAGU DHEXJIRA OO NAGA
TIRSAN IYO KUWA DIBADDABA DHAQSO NOOGA QABO.


ILAAHOOW CEQAABTAADA NAGA DULQAAD, DULLIGA IYO HALAAGGA


NAGU HABSADAYNA ILAAHOOW NAGA QAAD OO NASRI KHEYR IYO


NABAD NOOGU BEDDEL.


SHACABKA OO UU KA DHAMMAADAY DULQAADKII, IMMINKANA KA
SHALLAYNAYA QALADAADKII QAARKOOD HORE U GALEEN EE AHAA
TAAGEERADII AY SIINJIREEN KOOXO QABRIYADOODA QODAYEY,
HADDA WAA SOO JEENSADEEN WAXAYNA IYAGOO MIDAYSAN KA
HORTEGAYAAN KOOXAHA CADOOWGA AH EE MAGACOODA KU
QARAABTA, WAXAYNA KU HANJABEEN SHACABKU:

- HADDAAD ISMOODDAY AAR LIBAAX, ANNAGANA MAROODI NOO MALEY.
- HADDAAD ISMOODDAY CEEL MULIYA, ANNAGANA MAWJAD NOO MALELY.

                           WABBILLAAHI TAWFIIQ
                           W. Q. MUUSE XAAJI ABEES
                           EMAIL: abees11@yahoo. com


 

         ©2008 Puntland Online.     .