| Maxaa hortaagan Qaranimadii Soomaaliyeed |
|
Maxaa hortaagan Qaranimadii Soomaaliyeed Qeybtii 1aad
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha qaayaha lahow iga gudooma salaanta islaamka (A.C.W.W).
Sida aynu la socono dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxa ay bur burtay sanadii 1991, markaas oo ay siyaasadda Soomaaliya ay horboodayeen jabhado kala ujeedo ah, oo mid walba qaab qabyaaladeed ku doonaysay inay ku badasho nidaamkii ka jiray waddanka. Haddaba illaa iyo waqtigaas wey jireen iskudayo fara baddan oo lagu doonayey in lagu soo celiyo qaranimadii iyo dowladnimadii Soomaaliyeed, laakiin mar walbaa waxey ku dhamaanayeen bur bur iyo fashilaad.
Haddaba waxaa isweydiin leh maxaa hortaagan qaranimadii Soomaaliyeed. Dad baddan ayaa arintaas ka qaba fikrado kala duwan oo kuwaba ay si gaar ah u saarayaan diiradda. Bal waxeynu
Qabiil & Qabyaalad
Sida aynu la socono qabiilku waa wax jira oo qof walbaa qabiil buu ku abtirsadaa, Allaah ayaa inoogu sheegay quraankiisa in uu naga abuuray Shucuub iyo qabiilo si aynu isu kala garano, allaah agtiisana uu noogu kheyr baddan yahay kan noogu alla ka cabsiga baddan. Qabiilka Soomaalida waa mid ay gaarsiiyeen heer aad iyo aad u liita oo wax walba lagu miisaamo qabiil. Waxaad arkeysaa siyaasiyiinta Soomaalida in lagu kala fadilayo qabiil oo siyaasiga reer hebel mar walbaa uu yahay ceeb ka saliim, oo aragtida reer tolkiis mar walbaa waa nin qiimo leh, oo aan qaldamin, wax walbana waa lagu garab galayaa. Halka siyaasiga reerka kale hadduu wax walbaa akhriyo aan looga dhageysaneyn, xitaa hadduu wanaag wado oo uu kheyr u horseedayo lagu oranayo cid kaa dhageysaneysaa majiraan. Qabiilka ayaan
Daneysi gaar ah.
Kooxo waxaa jira dowladnimada ka dhalaneysaa Soomaaliya mar walbaa saara miisaan iyaga u gaar ah, oo haddey ka waayaan dantooda gaarka ah isku daya siday uga qeyb qaadan lahayeen bur burkeeda. Kooxo waxaa jira aaminsan dowlad haddii ay soo noqoto in la helayo kal danbeyn iyo hanaan Dowladnimo, taasoo ka horimanysaa dantooda ah inay dhiig miirtaan dadkii masaakiinta ahaa.
Kooxo heystaa hantidii iyo Guryihii ummadda.
Kooxo waxaa jira illa iyo maalintii uu dhacay bur burka xoog ku heystay hantidii guud ahaaneed ama mid sida gaarka ah loo lahaa, kuwaas oo aaminsan haddii ay dowlad timaado in lala xisaabtami doono, oo aan marnaba dooneyn in wanaag yimaado. Kooxahaasi runtii way fara baddan yihiin oo mar walbaa waxaa dhiba wanaaga iyo heshiiska Soomaalida. Kuwa noocaas ah ayaa mar walba waxey taageeraan kooxda ay dantoodu ku jirto oo kasoo horjeeda dowladda markaas la soo dhiso.
Faragelin Shisheeye
Arintan ayaa iyadana ah caqabadaha ugu horeeya ee na hortaagan, taasoo runtii laga faa’ideystay daciifnimada Soomaalida oo aan
Haddii aan si kale u qoro Soomaaliya waxa halkaas dhigay waa ururo iyo dowlado uu mid walbaa dan gaar ah ka leeyahay Soomaaliya, oo iyagu kala gabanaya sida Amerika, EU, IGAD, Itoobiya, Kenia, Masar, Eritaria, Alqaacida iyo Talyaaniga. Hardanka ka dhaxeeya waddamadan iyo ururadan ayaa ka mid ah ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan Qaranimada Soomaaliya.
Lasoco Qeybta 2aad
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje Social Development Adviser Leicester
|


