Links    Wararkii ugu dambeeyey  
 
Abaaji.com
Aflax.net
Afnugaal
Agabso.com
Allmaakhir
Allmudug.org
Allpuntland
allsanaag
Allsomali
Allwadani
Altaqwaa
Badhan-online
BBCSomali
Boocame.com
Burtinle
Cadaado
Calanka
Carmooyin
Dayniile
Dhahar.com
Dhulkeena
Doollo
Gabooye
Galoley
Gedonet
Goldogobsite
Guulane
Hadaaftimo
HadhwanaagNews
Halgannet
HalganNews
Hiiraan.com
Hornafrik
Hornrelief
Idamaale
IQRA
Jamhuuriya
Jammaame
Jarbooleey
Jidbaale
Jowhar
Kismayo
Laasqoray.net
Maakhir
Maandeeq
Markacadey
Mudug-online
Nugaal
Puntlandfuture
PuntlandPost
Qalaafe
Qaranimo
RadioGalkacyo
RadioGaroowe
RadioJigjiga
RadioNugaal
Ramaas Software
Sanaagpost.com
SBC Radio
Shabelle
Somali Press Review
Somalilandorg
Somalitalk
Somaliweyn
Togdheeronlie
Togdheersports
TVsomaliland
VOA SOMALI
Wardheernews
WidhWidh
Yamays
 
Bur Bur keenay Bililiqo qeybtii labaad

                    Bur Bur keenay Bililiqo 


Q/2aad    


W/Q/Axmed Xasan Ibrahin (Axmed yare


 Waxaan ahaa magaalo ay dad badani ku nool yihiin, waxaa leygu sheegi jiray in aan ahay magaalada ugu dadk badan gayiga soomaaliya waxaa igu dhaqanaa dad fara badan oo isugu jira soomaali iyo ajaanib, waxaan ku caan ahaa waxyaabo farbadan sida goobo waxbarsho oo kala duwan tusaale ahaan dugsi qur’aano la hormariyay Iskuullo lagu barto qeybaha kala duwan ee culuumta iyo Jaamicado leh taqasusaad kala duwan, dharaar walbana waxaa iga soo toosi jiray Arday labisan dareeska dugsiyada kuwaasoo baryahan igu sii daba yaraa  waxaa igu yaalay gooba ganacsi oo aad u heer sareeya kuwaasoo lagu iibin jiray dhamaan agabka ay u baahan yihiin bulsah weynta soomaaliyeed.


 


  Hadana waxaan u muuqdaa meel lama dagaan ah oo ay dad ugu danbeysay mudo sanada ah ka hor, marka aan is fiiriyo waxaan dareemaa caloolyow iyo uur ku taalo aad u ba’an waxaan u holadaa in ay ooyo hadana waxaan is iraah iska aamus , waxaan arkaa goobo horay u camirnaa oo cidla haawanaya,guryo ay ku dhaqnaayeen qoysas farabadan oo hada ay ku suganyihiin hal ama laba qof oo u jooga halkaasi in ay ilaliyaan alaabo guryaha yaala dadkaasi iyaga ah waxa ay ku  nool yihiin nolal ay ku dheehantahay cabsi  aad u badan,waxa ay ka cararaan guryahooda aroortii hore iyagoo aan hurda bogan


 dhanka kale waxaa jira  xaafado  aan gabi ahaanba lagu arkeyn dad Rayid ah oo noqday goobo ay ku tamashleeyaan ciidamada Ajaanibta ah ee ku sugan gudaheyga . goobahaasi waxaa ka mid ah:wasaaradii hore ee Gaashaan dhiga, Isbitaalkii Digfeer iyo hareerihiisa, Guryihii Saraakiisha, xeradii guul wadayaasha, Garoonkii dadnaa ee Istaadiyo Muqdisho , warshadii Hore ee Baastada  iyo meel kale oo dhowr ah


 


 Waxaan  arkaa Asakri  kaasoo dhoof igu yimid misna ka xarimaya wadooyinkeyga dadkeygii oo isugu jira waayeel, caruur, Dumar iyo Rag intaba, calool xuma ayaa I qabata marka aan arko Askari ajnabi ah oo idul taagan misna ii diidaya in ay maraan wadooyinkeyga dadkii xaqa ii lahaa


 


 Xaajada uguboo kale ee aan abid  ku riyoon ayaa waxay tahay in ay habeen walba igu hoydaan ciidama aan u dhalan dalkeyga kuwaasoo laaya dadkeyga,  kufsada Gabdhihii igu dhashay ama igu soo bar baaray, mar walba oo aan maqlo qof ay dileen ama Gabar ay Kusadeen waxaan Dareenaa murogo aan miisaamni Karin taasoo ka culus  waxa walboo culeys lagu sheega hadana waxaan is iraa iska samir maalin kale oo tan ka duwan ayaa iman doonta .


 


 Waxaan tabayaa saaxibo ku wada dhashay gudaheyga ku saaxibay kuna qanacsanaa inay abid ku wada noolaadaan oo maanta kala irdhoobay, oo ku kala lumay gudaheyga  gobolada iyo meelo kale waalid iyo caruurtiisa oo iyana sidoo kale meel wada joogi kari waayay, sabab  la xiriirta xaalada muqdsiho ee gabe dhacleyneysa misna mar walba dhan isku rogeysa


 


 Haddii aan ahay muqdisho ma arki doonaa dhamaan iyadoo ay ii idil yihiin dadkeygii ay nakala weeciyen waayaha ee hada ku sugan meelaha kala duwan mise dhici doontaa in ay soo camir maan goobaha hada la haawanaya cidlada ee ku dhow in ay noqdaan bahala galeenka 


 


W/Q Axmed Xasan Ibrahin (Axmed Yare)


Axmedyare20s@hotmail.com


Axmedyare20s@gmail.com


 

         ©2008 Puntland Online.     .