digg icon delicious icon

Agaasimaha hey’adda Aids-ka ee PAC Mr. Dhagaweyne oo hub lagu qabtay

November 20, 2011   //     //   News

Wasiirkii hore ee Caafimaadka ee maamulkii Cadde Muuse haatanna ah Agaasimaha hay’adda Aidska ee PAC Mr. Dhagaweyne ayaa si bareer ah hub ugu raraayay beeshiisa, isagoo lacagaha loogu talagalay dadka bukaanka ah ee qaba cudurka Aidska uu hub ugu iibiyey beeshiisa, waxaa ciidamada Amaanka ee Punltand ku qabteen hubkaasi magaalada Garowe shalayto, isla markiiba waxay maxkamadda Sare soo saartay amar lagu soo xirayo, nasiibdarase wuxuu kujiray wafti u umbabaxayey magaalada Kampala oo wasiiro ahaa kuwaasi oo shir kulahaa dalka Uganda, waxuuna markiiba u dhoofay dalkaasi Uganda, waxaana ciidamada Amniga haatan ay sugayaan inta uu kasoo noqonayo isagoo la doonayo in sharciga la horkeeno.

Warar kale oo aan ka helnay degmada Raka Raaxana waxay sheegayaan in nin isagana lagu magacaabo Baduugaaye oo horay u ahaanjiray taliyaha ciidamada bilayska uu haatan ka midyahay hogaamiyayaasha malleeshiya beeleedka beesha Ugaarsaleebaan.

Ka dib markii la qarinkariwaayay fadeexada ku saabsan hubka sida dhuumaaleysiga ah la doonaayay in lagu geeyo goobaha ay ku diriraayaan malleeshiya beeleedku ayaa Maamulka gobolka Nugaal waxa uu shaaciyey in ay qabteen hubkaas la doonayay in si sharci darro ah loo geeyo miyiga degmada Rako oo todobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dagaal beeleed.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maanta ka hadlayay warbaahinta kulan ka dhacay magaalada Garoowe oo looga hadlayay arimaha amaanka ayaa sheegay in Kontroolka magaalada lagu qabtay hub laga keenay magaalada Gaalkacyo kaas oo loo waday Rako, hubkaasina ay lahaayeen rag la garanaayo oo maamulka ka tirsan.

Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale ay qabteen rasaas taas oo u sheegay in la doonayay in lagu huriyo colaada u dhaxaysa labada beelood ee ka dhexeysa ood wadaaga.

”Habeen dhowayd howlgal ay Ciidamada amaanka sameeyeen waxay ku qabteen hub iyo rasaas ku kontroolka Garoowe”,ayuu yiri.

Dhinaca kale Agaasimaha Wasaaradda Amniga iyo hub ka dhigista Cali Hayaan ayaa nasiib darro ku tilmaamay colaada soo noq noqotay ee u dhaxeysa beelaha,waxaana u sheegay in la xurmeeyo nabada iyo walaaltinimada isla markaana ay tahay caqli xumo in la isku qabto daaqsiin iyo ceel biyood.

Sida warsidahan Puntlandtalk ay warka ku helaysana Mr Dhagaweyne ma ahan keligiis saraakiisha iyo wasiirada ku lugta leh colaada beelaha walaalaha ah ee wada dega deegaanka kodmood kuwaasi oo hadda caddeymaha aan la qarinkarin ee soo baxaaya ay sheegayaan in rag badan oo xilal sare ku leh maamulka ay ku lug leeyihiin hurinta colaadaasi, colaada beelaha walaalaha ah waxaa si bareer ah uga qeybqaatay wasiirka Amniga ee Puntland .

Tani waxay noqonaysa markii u horeysay meel kamid ah degaanada Puntland lagu qabto hub loo wado colaada ka jirta miyiga Rako, ayna ku lug leeyihiin saraakiil maamulka Puntland ka tirsan.

 

Ahmed Mohamud sheikh Eid.

Readers Comments (0)